curuq
(m.l) (-qyo, m.dh)

1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid.

curuq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rqay, -ruqday; -rqi)

1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curuq

curqid [m.f.dh]
eeg curuq². ld curuq¹ (3).

jimicsi [m.l]
1. Oogo daashay ama curuqday oo la kala bixbixiyo. 2. Hab gaar ah oo loogu talaggalay in oogada, siiba muruqyada, lagu dhiso oo lagu adkeeyo.

lugabaxso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Socod curuqtirasho ah meel dhow ku tegid. ld majabaxso.

cur [m.l]
1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg