cuud
(m.l)

1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood.

cuud
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Ciyaar cuud dheelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cuud

acuudu-billaahi [Erey Dareen | Exclamation]
Eray Eebbe looga magan galo wixii la sharaysto. ld cawdu-billaahi.

acuudu-billaysad [m.l]
ld acuudu-billaysasho.

acuudu-billaysasho [m.f.dh]
eeg acuudu-billeyso. ld acuudu-billeysad, acuudu-billeysi, cawdu-billeysad.

acuudu-billeysi [m.l]
ld acuudu-billeysasho.

acuudu-billeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka a.: wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld cawdu-billeyso.

baraacuud [m.l]
Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.

cood [m.l]
1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. ld cuud¹ (4).

cuudi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg