da'aa
(m.l (c.cimi.))

Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh da'aa

da' [m.dh]
1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. duq, da'aad

da'aa [m.l (c.cimi.)]
Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.

da'aad [m.dh]
eeg da' (1) da'

yaare [m.l]
1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.

darroor [m.dh]
Biyo aqalku kor ka soo daayo kolka roobku da'aayo.

lixkor [m.l]
1. Xilli diraac ah oo roobab aan badnayn da'aan. 2. Bilaha xilliga diraacda mid ka mid ah.

samalaha [m.dh] (-hayaal, m.l/dh)
1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. ld samaloho.

seermaweydo [m.dh]
Xilli roobab xoog badan da'aan oo bartamaha guga ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg