da'weyn
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Duq ahaansho (qof).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh da'weyn ↴

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

adeer [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.

cantatab [m.l]
1. (-byo, m.dh) Qof aad u da'weyn oo caqligiisu doorsoomay. 2. C. ah: hadal aan milgo lahayn oo cabsi, argagax iwm keenaan. ld catatab¹.

cimridheer [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
Wax da'weyn gaarey ahaansho.

coomow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -oowday; -oobi)
Gabar, wax da'weyn oo la guursan waayey noqosho.

coon [m.dh] (-oomo, m.l)
1. Haweeney gaaban oo aan da'deeda ka muuqan. 2. Gabar da'weyn oo aan la guursan; guumeys.

da'weyn [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Duq ahaansho (qof).

da'weynaan [m.f.dh]
eeg da'weyn. ld da'wey-naansho, da'weyni.

da'weynaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld da'weynaan.

da'weyni [m.dh]
ld da'weynaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg