daacadnimo
(m.dh)

Daacad ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daacadnimo

afbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, xday; -bixi)
U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.

caddaan [m.l]
1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin.

horujeed [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-dyo, m.dh)
1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.

lillaahi [m.dh]
1. Daacadnimo. 2. L. ah: qof daacad ah.

naseexee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-xeeyay, -xaysay)
1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. ld nasteexee.

naseexo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. Daacadnimo. ld nasteexo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg