daaci
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

D. ah: neef aad caato u ah.

daaci
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaci

daacasho [m.dh]
ld daacid. daacid

daacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daac². ld daacasho. daac, daacasho

daacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daaci². daaci

xagaldaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac.

xagaldaacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xagaldaac². ld xagaldaac¹, xagaldaaco, xagalkaddaacid.

xagalkaddaacid [m.dh]
ld xagaldaacid.

bahardaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Is b.: si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.

bahardaacid [m.f.dh]
eeg bahardaac².

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg