daad
(m.l) (-dad, m.l)

1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.

daad
(m.l) (-dad, m.l)

(juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.

daad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daad

da' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -di'i)
1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. hoore

faaf [m.l]
1. Meesha wabiyadu iyo daadadku ku fatahaan. 2. ld faafid. faafid

baah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
War, cudur, daad iwm aad u faafid.

daabbul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.

daadad [m.l]
ld daadasho. daadasho

daadasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daado. ld daadad. daado, daadad

daaddah [m.dh]
Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg