daadis
(m.l)

ld daadin. daadin

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daadis

daadin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daadi. ld daadis. daadi, daadis

cadaadis [m.l]
1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin.

cadaadis [m.l]
(fiis.) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).

cadaadis [m.l]
(siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.

cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.

cadaadis-ekeeye [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.

cadaadis-gibileed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.

cadaadis-gibileed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa,0,1.01325,x 10 5 Baaskal (N/m2).

cadaadis-hoose [m.l]
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.

daad [m.l] (-dad, m.l)
1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.

daad [m.l] (-dad, m.l)
(juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.

daad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg