daah
(m.l)

1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid.

daah
(m.l) (-hyo, m.dh)

Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo.

daah
(m.l) (-hyo, m.dh)

(riw.) D. masraxiyeed: ilxir loo adeegsado goobta masraxiyadda.

daah
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-hay, -hday)

Ilixir u yeelid.

daah
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-hay, -hday)

1. Raagid; dib u dhicid. 2. Ka soo d.: madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daah

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

raag [m.l]
1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.

raag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Daahid. 2. Waqti badan jirid.

raagsiinyo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. ld raagsasho. 2. Daahid badan.

raagso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax imaatin-koodu dib u dhacay daahsasho.

raaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax cumrigooda dheerayn. 2. Wax daahin.

unugga Daaniyal [m.l]
(fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.

xamil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.

aarad [m.dh] (-do, m.l)
Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.

aaradee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Maro ama daah aarad u yeelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg