daahi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Cid ama wax kale meel ay waqti xaddidan tegi lahayd dib uga dhacsiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daahi

raag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Daahid. 2. Waqti badan jirid.

raagsiinyo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. ld raagsasho. 2. Daahid badan.

raaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax cumrigooda dheerayn. 2. Wax daahin.

adaahi [m.dh]
Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.

adaddaahid [m.f.dh]
eeg adaddaah². ld adaddaah¹.

barjimo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -oofay)
Ari subax xero ku daahid.

caddil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Fal dhici lahaa ka daahid iyadoo cid loo eersanayo. 2. Isu c.: wax isu dheelli tirid.

daah [m.l]
1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid.

daahid [m.f.dh]
eeg daah³. ld daah¹ (2).

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg