daalac
(m.l)

Wax dheeraad ah oo cid loo raacdo.

daalac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday; -lici)

Dayax ama qorrax soo muuqasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daalac

akhri [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Erayo ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu dhawaaqid.

akhriso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax qoran daalacasho.

cilmi [m.l]
(culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. ld culuun.

cilmidhegood [m.l]
Cilmi aan daalacsho lagu kasban oo dad laga soo bowsaday.

daalacan [m.dh]
Waqti wixii la sheegaa ay shaac baxaan oo aanay qarsoomin.

daalacasho [m.f.dh]
eeg daalaco.

daalaco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday, -catay)
Si xasilloon wax u akhrisasho.

daalicid [m.f.dh]
eeg daalac². ld daalac¹ (2).

daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.

daal [m.l]
Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.

daal [m.l]
(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.

daal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg