deel
(m.l)

1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. ld d (da').

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deel

d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2). deel

badeel [m.l]
ld badiil.

deelqaaf [m.l]
1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.

deelqaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Ku d.: hadal meel ka dhac ah, aan daw lahayn qof ku dhihid.

deelqaafi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iaya, -isay)
Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid.

deelqaafid [m.f.dh]
eeg deelqaaf².

deelqaafin [m.f.dh]
eeg deelqaafi.

deelraac [m.l]
Neef ido ah oo madaxa ilaa legga ka madow.

haldhac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg