dhawr
(m.l.t)

Tiro laba ka badan kana yar siddeed. ld dhowr.

dhawr
(m.l)

Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo 'xannaano'ama 'difaac'micneeya. Tus. “Dhididdh.”, “Hantidh.”

dhawr
(m.dh)

Wixii waxyeello leh oo dhan.

dhawr
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhawr

yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.

maadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax halis ka dhawrid. ld maari.

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

raadiyoom [m.l] (-mmo, m.dh)
(kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).

saalimow [m.l]
Hangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.

saamiggal [m.l] (-llo, m.dh)
(xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujin karaa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.

taag-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.

tacsi [m.dh]
1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.

urur [m.dh]
Xiddigo dhawr ah oo meel isugu yimaada oo isla socda.

uurbays [m.dh] (-syo, m.l)
Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg