duwid
(m.f.dh)

eeg duw.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duwid ↴

qaanqaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.

abaabul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Si hannaan ama qaab habeysan leh dad u hawlgelin, arrin isku duwid, qabanqaabin.

habee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid.

jeedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.

jeenso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Dib ama dhinac wejiga ama oogada u duwid. 2. U j.: wax mudnaanta koowaad siin. ld jeeso.

leexi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid.

lugadduwid [m.f.dh]
eeg lugadduw.

moos [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Dhis ama dhoobo beer iwm biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid.

nishaab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. ld niishaab².

duw [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-uway, -uday; f.a: du')
1. (f.g) Wax leexin. 2. (f.g) Cid wax tusid. 3. (f.mg) Ku d.: wax meeshii lala rabay ku toosin; aadsiin; ku leexin. 4. (f.mg) Iskud./isud.: wax isku dubbarrid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg