ebed
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)

ld abad. abad

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ebed

abad [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.

dhebed [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-do, m.l)
Haan biyood bir ah; fiin; galaw.

gebedgalool [m.l]
ld kebedgaloo.

hebed [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo.

hebed [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bday, -bedday; -bdi)
1. Hebed noqosho. 2. ld hebdi.

hebednimo [m.dh]
Hebed ahaansho.

kebed [m.dh] (-bdo, m.l)
Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.

kebedgalool [m.l] (-llo, m.dh)
Nooc kebdaha ka mid ah oo laga sameeyo mayrax galool. ld gebedgalool.

tebediin [m.dh]
Kalluun weyn oo badda ku nool oo hilib macaan. ld tabadiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg