eebbe
(m.l)

Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eebbe

naar [m.dh] (-ro, ml.)
1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.

nabaaddiinaxir [m.l]
(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiinaxir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.

nacalad [m.dh] (-do, m.l)
Caro Eebbe dusha ka saaro cid caasidey. ld lacanad¹, lacnad¹, nacallad¹, nacalle, nacdal¹.

nacalad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal².

Rabbi [m.l]
Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.

rabbituug [m.l]
Baryo Eebbe wax lagu weyddiisto.

uun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(uumay, uuntay; uumi) Eebbe wax abuurid.

xamdi [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg