eedee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)

Cid eed u jeedin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eedee

eedayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eedee. ld eedays. eedee, eedays

haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid

faraqaad [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dagaal lays farasaaro. 2. Tuugo aan weynayn. 3. Qof baara faraha dadka dembiyada lagu soo eedeeyo. 4. ld faraqaadid.

garwate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof, cid dacwo u qaba; muddaci, eedeey.

geedee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Cunto dhir udgoon ku dari.

inkir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid.

inkirsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, wax diiddan ahaansho (cid).

mindumis [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Xaal laga qaado nin lagu soo eedeeyay in uu fara xumeeyay naag la qabo. 2. Ka furashada naag ninkeda laga furto iyadoo xoolo iyo maal lagu beer dulucsado.

sareedee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cid barwaaqayn (Ilaah).

eed [m.dh] (-do, m.l)
1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.

eed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg