eedso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eedso

eedsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eedso. eedso

haaneedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.

cadceedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.

cadceedsoobax [m.l]
Qorraxsoobbax.

garwaaxeedso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Maro, harag oo la dhuubay si gudub ah sararta hal gacan iyo degta gacanta kale. 2. Qof fadhiya, jilbaha iyo dhabarka maro isagu xirasho. ld garwaaxayso, garwaaxiids.

jeedso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Ra'yi soo bandhigasho.

eed [m.dh] (-do, m.l)
1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.

eed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg