eeg
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)

1. eegga: waqtiga markaa la joogo; imminka, hadda. 2. eeggayga, eeggaga iwm: markayga, markaaga iwm.

eeg
(m.l)

1. Meel laas u eg. 2. Meel la qoday oo biyuhu fariistaan.

eeg
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.

Jeegal*

Taleefan ama moobeel.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Waa agab ama qalab loo adeegsado wada hadalka sida cod ama dhambaal iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eeg

aabbayaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal aabbeyaal

aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.

ogaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
1. ld ogaal, ogaansho. eeg og. 2. Ulakac; kas, maag. O. buu u yeelay: kas buu u yeelay. ogaal, ogaansho, ulakac, kas, maag

baadiddoonid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
baadiddoonid m.f.dh eeg baadiddoon². ld baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹, baad baadiddoon, baadiddoonis, baadiggoob, baad

baadiggefid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
m.f.dh eeg baadiggef². ld baadiggef¹. baadiggef

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e

eedsheegasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eedsheego. eedsheego

eedsheego [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Godob laga galay sheegasho.

e [m.dh]
(e') Xarafka shanaad ee alifka soomaaliga, kana mid ah shaqallada.

e [Xiriiriye | Conjunction]
(-e) ld ee¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg