eegmo
(m.dh)

Daymo; fiiro. daymo, fiiro

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eegmo

beegmo [m.dh]
1. Isla simid; iswaafaqid. 2. ld beeg1 (1).

cayuumayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Cid eegmo wax ku yeelid; cawrin; ilayn.

cayuun [m.dh]
1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. ld acyuun.

dhawrmo [m.dh]
1. Eegmo. 2. ld dhawrid.

fiiro [m.dh]
1. Daymo, eegmo. 2. Feker. 3. F. gaar: wax si gaar ah in loo eego loo baahanyahay.

eeg [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
1. eegga: waqtiga markaa la joogo; imminka, hadda. 2. eeggayga, eeggaga iwm: markayga, markaaga iwm.

eeg [m.l]
1. Meel laas u eg. 2. Meel la qoday oo biyuhu fariistaan.

eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg