eerso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

Dhibaato dhacday cid u aanayn. Tus. “Muraayadihii iga jabay Axmed baan u eersanayaa”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eerso

yeerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Arday quraan qoranaaya aayadda uu marayo macallinka u sheegid si midda ku xigta loogu sheego.

carceerso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax muuqaalkiisa libdhid.

dareerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. ld dureerso.

dureerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld dareerso.

eersasho [m.f.dh]
eeg eerso. ld eersad, eersi.

janjeerso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax dhinac u iilasho.

meerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax mulkintooda la wareegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg