eex
(m.dh)

Garsoor aan caddaalad lagu fulin oo cid xaqeeda lagu seejiyo. ld eexo¹.

seexday*

macnaha ereyga:- wiiqadhigay


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Nin seexday siciisa dibi dhalay*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eex

laabjeex [m.l]
(daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar. laabqarrar

caaddil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan.

qaarjeex [m.l]
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.

uleex [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Aayar u socosho.

uleexid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uleex.

uneexo [m.dh]
ld aneexo.

xaakin [m.l]
1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.

xagli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.

yaleex [m.l]
1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.

abyin-jeexeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(xis.) Hab lagu sammeeyo abyinaynta taranka laba fansaar iyada oo la adeegsanaayo jidka: u (dv/dx)dx = uv - v (du)dx, oo loo adeegsan karo qiimeynta abyinka ee taran.

e [m.dh]
(e') Xarafka shanaad ee alifka soomaaliga, kana mid ah shaqallada.

e [Xiriiriye | Conjunction]
(-e) ld ee¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg