eexi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eexi

uleexid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uleex.

caddaaladdarro [m.dh]
Fal ay eexi ku jirto.

caddaaladxumo [m.l]
Fal ay eexi ku jirto.

dhalleexi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Weel janjeerin. ld dhalleeci, janjeeci.

dhalleexid [m.f.dh]
eeg dhalleex². ld dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid.

dhalleexin [m.f.dh]
eeg dhalleexi. ld dhalleecin, jalleecin.

dhegjeexid [m.f.dh]
eeg dhegjeex².

eexin [m.f.dh]
eeg eexi. ld eexis.

eexis [m.l]
ld eexin.

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e.

ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg