eey
(m.l) (-eey/-yo, m.dh)

(c.nafl.) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iwm. ld ey¹.

eey
(m.dh) (-eey/-yo, m.dh)

Eey dheddig ah. ld eeyad, ey².

eey
(Erey Dareen | Exclamation)

Erey dareen: ehi!, oh! ld eeyaa.

Hangeeyo*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Afar Goolleey*

waa ciyaar ay hal mar 4 laacib oo iska soo wada horjeeda garoonka wada galaan mid walbana laga rabo inuu goolkiisa difaacdo, goolalna ka dhaliyo 3da kale. Farsamada ay ciyaartan caanka ku tahay waa in la wada weeraro qofka kubbadda wata. FG: Waana bilaa garsoore.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

waa geed kamid ah dhirta cagaaran ee aan caleynta laheyn dadkuna cunaan iyo leh dhadhan dhaansi ah 

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eey

ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa. eeyaa

haaheeyarraac [m.l] (-cyo, m.dh)
Qof wixii loo sheego rumaysta.

haaheeyo [qr]
ld haah. haah

maaleeyo [m.dh]
1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.

ogsidheeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
ld ogsidhayn.

saalaweyneeye [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.

tabeeye [m.l] (-yayaal, m.dh)
(riw.) Qof hawshiisu tahay muuqdoorinta jilaha masraxa ama filimka.

ugu hooseeye [m.l]
Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

uubato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-ooyin, m.l)
1. Bahal eeyga u eg: yey; yeey; uuley. 2. Qaylo dheer.

e [m.dh]
(e') Xarafka shanaad ee alifka soomaaliga, kana mid ah shaqallada.

e [Xiriiriye | Conjunction]
(-e) ld ee¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg