ehel
(m.l)

Qaraabo, sokeeye, xigto. ld ahal, ahalo, ehelo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ehel

ahal [m.l]
ld ehel.

ahalo [m.dh]
ld ehel.

ahlunaar [m.l]
Qof cadaab mutaystay. ld ahalunnaar, ehelunnaar.

arxan [m.l]
1. Waxtar weyn oo cid dhibaateysan loo geysto.2. Dad xigtanimo ka dhexeysa; ehel.

casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.

colguri [m.l]
1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.

diyo [m.dh]
Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay.

duurgal [m.l]
1. Neef aan xoolaha raacin. 2. ld duurgelid. Qof ehelkiisa ka carara. 3. Hanti ajuuro ahaan loo siiyo dadka dhirta wax ku daweeya. 4. ld duurgelid.

duurgelid [m.dh]
Diididda ruux diido in uu ehelkiisa la noolaado. ld duurgal (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg