ekaad
(m.l)

ld ekaansho (1).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ekaad ↴

uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.

circaddaa [m.l]
Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.

ekaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg ekow. ld Ekaad; ekaan.

jidbo [m.dh]
(dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.

shaabbah [m.l] (-hyo, m.dh)
U ekaanshaha wax, wax kale u ekaadaan. ld shabbah¹.

wagdo [m.l]
Qaabxumo yar oo lugaha gasha oo ay gedow ama labo qaanso oo afafka isku haya oo kale u ekaadaan. ld hogfo, wegdo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg