ekee
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-keeyay, -kaysay)

1. Xolo meel ku caashaqid. 2.(f.g) Labo wax ama ka badan wax isle'eg ka dhigid. 3. (f.mg) Ku e.: wax meel ku joojin. 4. (f.mg) Isu e.: wax qaabkiisa isu yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ekee

bekeeri [m.l]
ld bakeeri.

cadaadis-ekeeye [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.

ekayn [m.f.dh]
eeg ekee.

isu-ekee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
(riw.) Jilid; dhaajin.

joog ekeeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Xarriiq isku xira meelaha jooggoodu isku mid yahay ee ka sarreeya bad lasimanta.

kulekeeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq khariidad ku yaal, oo isku xira meelaha celceliska heerkulkoodu isku mid yahay in muddo go'an ah.

le'ekee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
La ekayn; la mid noqosho; la simid; isku in keenid.

makeekee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-keeyay, -keysay)
Cid wax ka qarin.

qoto-ekeeye [m.dh] (-kayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad, oo isku xira baraha badda hoosteeda ah oo guntoodu isku dherer tahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg