faahfaahi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Si buuxda arrin u sharaxid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faahfaahi

faahfaahin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg faahfaahi. ld faahfaahis. faahfaahis, faahfaahi

faahfaahis [m.l]
ld faahfaahin. faahfaahin

faahfaahsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la faahfaahiyey ahaansho.

falkaab [m.l]
(nax.) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: “soo”, “sii”, “wada”, iwm.

fasir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax laga hadlayo faahfaahin ka bixin. 2. ld fasil².

sifo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
(nax.) Guud ahaan waxaa sifo loo yaqaannaa dir faahfaahisa ama sifaysa dirta magaca, haseyeeshee waxaa jira afaf ka mid ah af-soomaaliga, oo dirta sifadu ay dhismo ahaan u dhaqanto sida falalka (eeg fal-sifo).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg