faal
(m.l)Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faal ↴
faahfaah [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: sii caddays (hadal iwm); waxkasheeg; faallo. waxkasheeg, faallo
faalal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalalid
faalal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.
faalalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg faalal². ld faalal¹ (3). faalal
faalallow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. ld faalshow, faashow. Sixirrow, faalshow, faashow
faalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
ld falan². falan
faalaxgooddi [m.l]
ld falaxgooddiyid. falaxgooddiyid
faalaxgooddi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
ld falaxgooddi². falaxgooddi
faalaxgooddin [m.dh]
ld falaxgooddiyid. falaxgooddiyid