faan
(m.l)

Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.

faan
(m.dh) (-no, m.l)

1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.

faan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nay, -ntay)

Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faan

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

laandheer [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.

laandheere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.

alfaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg alif (4).

baan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Hadal dhaar, faan iyo handadaad isugu jira dhihid.

baane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld baanise.

bilyaardi [m.l]
1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.

boolixooftee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -teysay)
U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. ld boolaxooftee.

bootee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -taysay)
U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg