faanid
(m.f.dh)

eeg faan³.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faanid

dhayladhufaanid [m.f.dh]
eeg dhayladhufaan². ld dhayladufaan¹.

dhufaanid [m.f.dh]
eeg dhufaan². ld dhufaan¹ (2).

faanfaan [m.l]
1. Fal kibir ku jiro oo cid muujiso si loogu ammaano. 2. ld faan- faanid.

faanfaanid [m.f.dh]
eeg faanfaan². ld faanfaan¹ (2).

foolaxgootee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -taysay)
U f: cid u faanid.

hadar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dray, -dartay; -dri)
1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.

iskudhis [m.l] (-syo, m.dh)
1. Ku faanidda darajo ama hanti ee qof kale leeyahay. 2. Laba curiye ama ka badan oo si falgal kiimikeed isugu taga.

ragrago [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.

xarragoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
1. Dhar qurxoon xirasho. 2. Ka x.: wax ka faanid ama iska dhawrid.

faan [m.l]
Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.

faan [m.dh] (-no, m.l)
1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.

faan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg