faarad
(m.dh) (-do, m.l)

Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faarad

xafaarad [m.dh] (-do, m.l)
1. Aalad dhulka dillaacisa ama ciidda bixisa. 2. Markab weyn oo badda qoda.

doofaarad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay aad u akhlaaq xun. ld doonfaarad.

doonfaarad [m.dh]
ld doofaarad.

faaradayn [m.f.dh]
eeg faaradee.

faaradee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Alwaax faarad ama raando ku simid.

safaarad [m.dh] (-do, m.l)
Xaafiiska danjiraha. ld safaaro.

xeerka danab-soocidda Faaradhay [m.l]
1. (fiis.) Xeerka 1aad ee danab soocidda Faaradhay: cufka walax ee soocanta, marka ay danab soociddu socoto, waxa uu saamiggal qumman la yahay inta kuulam ee dhexmarta gudbiye milmaha. 2. (fiis.) Xeerka 2aad ee danab socidda Faradhay: haddii xaddi danab oo isku mid ah la dhexmariyo gudbiye milmayaal kala duwan muddo go'an, cufafka walxaha kala duwan ee soocma waxa ay saamiggal qumman la yihiin culeys atameedyadooda oo loo qaybiyey saldanabka ayoonka sida qulqulka danabka.

faar [m.l]
Caano, dawo, rinji iwm intooda adkaata marka ay kala baxaan.

faar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.mg) Caano, dawo iwm bur iyo u biyo u kala bixid. 2. (f.g) ld far².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg