fuuq
(m.l) (-qyo, m.dh)

Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.

fuuq
(m.dh)

1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iwm xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. ld fiiq².

fuuq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)

Hoore si tartiib ah uga dhergid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuuq

baaruud [m.dh] (-do, m.l)
Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.

fiiq [m.dh]
ld fuuq².

fuuqbax [m.l]
(daaw.) Biyaha oo ka yaraada soohyada jirka, waxayna ka iman kartaa: qaadasho la'aan biyo jirka ku filan. Biyo badan oo ka baxa jirka (dhidid, matag, shuban). Astaamo: harraad badan, itaal darro iyo lallabo.

fuuqdhabiil [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-llo, m.dh)
Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.

fuuqdhabiilnimo [m.dh]
Fuuqdhabiil ahaansho.

fuuqid [m.f.dh]
eeg fuuq³.

fuuqsad [m.l]
ld fuuqsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg