fuur
(m.l)

1. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay.

fuur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuur

kaafuur [m.l]
1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran-yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.

waariko [m.dh]
Jaad likaha ka mid ah oo badanaa dundumooyiinka agtooda ka soo fuuro; barkiwaraabe. ld waarig.

beerfuur [m.l]
ld beergooyo.

ciriirsamid-bilooro [m.dh]
(daaw.) Muruq bararka caloosha oo ciriiriya godka cunnadu marto marka ay gudbeyso xiidmaha. Cudurku wuxuu keenaa raagid cunno gudbid taas oo u sabab ah matag soo noq-noqda, mararka qaarkood cunno la cunay 24 saac ka hor; waxa kale oo la arkaa uur fuuriyo nuux-nuuxsi calooleed.

dhulkasoofuur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Boqoshaa.

dibbir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Dabayl badan oo gudaheeda ku samaysantay awgeed fuurid (calool). 2. Cid aad u dhargid. 3. Qof cayil.

dibbiro [m.dh]
Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. ld dibbiryo, dubburyo.

fuuraa [m.l]
Dhicis xoolaad oo isagoo bakhti ah dhashay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg