fuushan
(Fal Gudbe4 | Verb Transitive4) (-naa, -nayd)

Wax, wax kale dusha ka saaran ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuushan ↴

fanayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.

fangal [m.l]
Faras la fuushanyahay oo fankiisa qof kale la fariisiyo. ld fangelid.

fangal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay; -geli)
Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid. ld fansaar³.

fuushanaan [m.f.dh]
eeg fuushan. ld fuushanaansho.

fuushanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld fushanaan.

laballugood [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. L. ah: qof socoto ah oo aan gaadiid fuushanayn ee lug ku socda xoolana wadan. 2. Xarig labadhudood isugu soohan.

leeddo [m.dh]
1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. ld leeddafuulid.

lug [m.dh] (-go, m.l)
1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.

qardow [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Murmurux ama jiirago'salka iyo cajirrada ka gaara qof aan fardafuul ahayn ama ka raagay, in mudda ah markuu gammaan ama rakuub fuushanaado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg