gaaban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaaban

a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.

gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.

gaabi [m.dh]
Qiyaas dheerer oo intii laga rabay ka gaaban.

gaabnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaaban. ld gaabnaansho, gaabni. gaaban, gaabnaansho, gaabni

gaabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.

gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.

baabbacee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef geel).

baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab

raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.

gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg