gaabi
(m.dh)Qiyaas dheerer oo intii laga rabay ka gaaban.
gaabi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaabi ↴
gaabin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaabi². ld gaabis gaabi, gaabis
gaabis [m.l]
1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin. gaabin
maangaabi [m.dh]
Caqli iyo garaad yaraan; maangaab ahaansho. ld maangaabnimo.
saandambee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysey)
1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.
tafajiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Socod diidmo, gaabin iyo tabar darro ku jirto socosho.
uugaabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uugaw².
xaaxeeyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.nafl.) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.
abeeso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc halaqa ka mid ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn, barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.