gaad
(m.dh)1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
gaad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Nafley si lama filaan ah ugu kedin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaad ↴
gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaadaan². gaadaan
gaadaamin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaadaami. ld gaadaamis. gaadaami, gaadaamis
gaadaamis [m.l]
ld gaadaamin. gaadaamin
gaadaan [m.l]
Qarqarsi. qarqarsi
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
baabuurraac [m.l]
Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.