gaadiid
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaadiid

baabuurraac [m.l]
Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.

gaadiidsad [m.l]
ld gaadiidsasho. gaadiidsasho

gaadiidsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaadiidso. ld gaadiidsad, gaadiidsi. gaadiidso, gaadiidsad, gaadiidsi

gaadiidsi [m.l]
ld gaadiidsasho. gaadiidsasho

gaadiidso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax gaadiid ka dhigasho.

yohoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.

yohoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid.

badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

beden [m.l] (-emmo /-enno, m.dh)
1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg