gaadmo
(m.dh)

Kedinta si lama filaan ah wax loogu kediyo. ld gaadid. gaadid

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaadmo

gaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaad². ld gaadis, gaadmo, gaadniin. gaad, gaadis, gaadmo, gaadniin

gaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-atay, -adatay)
Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho.

cimil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.

dhuuki [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Si tartiib ah oo gaadmo ku jirto u socosho (nafley).

qoorato [m.dh]
1. Q. ah: col si gaadmo iyo dhumaleysi wax ku laaya. 2. ld qoorasho.

gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.

gaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Nafley si lama filaan ah ugu kedin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg