gaaf
(m.l) (-faf, m.l)

1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

gaaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Wax ka dheeraan iyada oo muujinaya diidmo iyo nicitaan (nafley).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaaf

gaafabbax [m.l]
ld gaafabbixid. gaafabbixid

gaafabbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Reer u gaar ah yeelasho (wiil).

gaafabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Miile (kal) siin (qof).

gaafabbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaafabbax². ld gaafabbax¹. gaafabbax

gaafabbixin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaafabbixi. gaafabbixi

gaafal [m.l] (-llo, m.dh)
Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.

gaafammeer [m.l]
ld gaafmeerid. gaafmeerid

gaafammeer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
ld gaafmeer². gaafmeer

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg