gaal
(m.l) (-lo, m.dh)

1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji

gaal
(m.dh)

1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaal

gaalad [m.dh]
Haweeney aan muslin ahayn.

gaalayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaalee. gaalee

gaalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Cid gaal ka dhigid.

gaalib [m.l]
Nooc fardaha orodkooda ka mid ah.

gaalib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Faras orod aan dheerayn samayn.

gaalibid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaalib². gaalib

gaalis [m.l] (-syo, m.dh)
(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.

gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg