gaalow
(m.l)

Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.

gaalow
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oobay, -owday; -oobi)

Gaal noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaalow

gaaloobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaalow². gaalow

magaalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Meel magaalo noqosho.

gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm).

gaal [m.dh]
1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg