gaf
(m.l) (-faf, m.l)

1. Khalad. 2. Meelkadhac. ld gef.

gaf
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-fay, -ftay)

1. (f.g) Khalad samayn. 2. (f.g) Haleeli waayid. 3. (f.mg) U g.: cid meelkadhac ku samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaf

jaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee. jaabajaabee

xagafsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xagaafso.

xagafso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Tallaabo xooggan ku socosho (qof).

afdhuubyaale [m.l]
Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. ld afdhuubyaalayn.

bagaf [m.l]
1. Weel aan weyneyn, in yar godan oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg leh.

bagafsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax bagaf ah ahaansho.

bagafsanaan [m.f.dh]
eeg bagafsan. ld bagafsanaansho.

bagafsanaansho [m.f.dh]
ld bagafsanaan.

cagaf [m.dh] (-gfo, m.dh)
Cagta geela. ld cuguf.

cagafcagaf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fyo, m.dh)
Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg