giir
(m.l)

1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iwm tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoo.

giir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Midabbo kala duwan wax u yeelid; giir u yeeli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh giir

ulaysi-dagiiran [m.l]
Waddo halka ay ka billaabanaysa u ballaaran, halka ay ku dhammaanaysana u ciriiryoon oo dagiiranka lagu soo qumiyo si ay ugu ururaan edegga. Mur-dagiiran.

beycad [m.l]
Midab ciira boos ah oo caddaan xiggeen ah oo ay yeeshaan lo'da iyo fardaha. ld giircad.

beymmadow [m.l]
Midab bey ah oo madowgu ku badan yahay. ld giirmadow.

cawggiir [m.dh]
1. Caw rinji la geliyay. 2. C. ka dhig: si xun wax u baabi'in.

cawggiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Si xun wax u baabi'in.

cawggiirid [m.f.dh]
eeg cawggiir².

digiiran [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. ld digirin.

giiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Wax midab giir ah leh ahaansh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg