gur
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².

gur
(m.dh)

1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.

gur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gur

ibagurayo [m.dh]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.

ibaguryee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.

ibaguryeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ibaguryee. ibaguryee

ibaguryeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la ibaguryeeyey ahaansho (hal).

ibaguryeysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ibaguryeysan. ld ibaguryeysnaansho. ibaguryeysnaansho

ibaguryeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ibaguryeysnaan. ibaguryeysnaan

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

saabaan [m.l.w]
Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan. saa-maan

xaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid. tifaftirid, salaaxid

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg