guux
(m.l)

1. Cod weyn oo cunaha awr, goray iwm ka soo baxa. 2. Codka matoorrada. 3. Cudur geela cunaha ka barariya. 4. ld guuxid.

guux
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

1. Cod weyn sameyn (awr, goray iwm). 2. Matoor cod samayn. 3. U g.: wax u riyaaqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guux

gowle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Ciyaar jaan iyo or leh oo badanaa haweenku ciyaaraan. 2. Guuxa libaaxa.

guuxaweyn [m.dh]
Qoorta geela inteeda hoose.

guuxid [m.f.dh]
eeg guux². ld guux¹ (4).

guuxo [m.dh]
Cune; doobbo.

quri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Awr qooqan, mid kale guulguul iyo cabsi ku samayn isaga oo guux iyo micilis isugu daraya. 2. Cid u duurxulid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg