haajir
(m.l)

1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3). haajirid, haayir

haajir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. ld haayir². haayir

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haajir

haajirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haajir². ld haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid. haajir, haayir, haayirid

tacabbir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Dal kale u dhoofid si shaqo looga helo. 2. Haajir.

dalaaw [m.l]
Darxumo awgeed oo qof dalkiisa uga haajiro. ld dalaw¹ (2).

dalaaw [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aabay, -awday)
Qof, darxumo awgeed dalkiisa uga haajirid. ld dalaw².

haayir [m.l] (-rro, m.l/dh)
1. Col weyn oo hubaysan. 2. Libaax badeed weyn oo dadka cuna. 3. ld haajirid.

haayir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
ld haajir².

haayirid [m.dh]
ld haajirid.

muhaajir [m.l] (-rro/-riin, m.dh)
1. Qof degaankiisii uga tegey risiq doon ama diin fidinteed. 2. (dii.) (m.w) Asxaabadii Nebi Maxamed (n.k.h.a.) la haajirtey oo inta Maka ka tegtey mid ka mid ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg