haan
(m.l) (-nan, m.l)

1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto.

haan
(m.dh) (-aamo, m.l)

1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haan

aabbur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.

aabburan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay., -rantay, -rmi)
Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”.

aabburan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Dhiil, haan iwm wax la aabburay ahaansho. Tus. “Weelku waa aabburanyahay”.

gaadaar [m.dh]
1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.

haandawaco [m.dh]
Adaahi. adaahi

haandhurwaa [m.dh]
1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geeedaha dushooda ka samaysata. dhoondhurwaa, adaahi, haandawaco

haaneed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami. habsami

haaneed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi. haneedi, haaneedi

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg