haar
(m.dh) (-ro, m.l)1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban
haar
(m.l)Qaylo, taah, dhaqdhaqaaq iwm oo uu sameeyo qof xanuun badani hayo. qaylo, taah, dhaqdhaqaaq
haar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Xanuun awgiis la taahid (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haar ↴
haaraamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haaraan². ld haa-raan¹. haaraan, haa-raan
haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid
haaraan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
haarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haaree. haaree
haaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Qof haar u yeelid.
haarguduud [m.dh]
Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.
haarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haar². haar
ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta
ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.